
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta daahfuray munaasabadda todobaadka dhaqanka Puntland, taasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka.
Munaasabadda ayaa lagu lasoo bandhigay agabka iyo suugaan dhaqameedka Soomaaliyeed, si gaar ah waxyaabaha ay caanka ku yihiin dadka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Lugatoor ayaa wasaaradda ku ammaanay dadaalka ay galisay qabsoomidda munaasabadan, waxaana uu xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo bulshada, gaar ahaan dhalinyarada ku booriyay inay ka shaqeeyaan dhowrista iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed.
PUNTLAND POST