Puntland oo amar dul-dhigtay reer miyiga iyo xijiyaysatada Calmiskaad

Guddiga amniga gobolka Bari ayaa ku amray reer miyiga iyo xijiyaysataya in ay shan berri gudahood uga baxaan buuraha Calmiskaad, gaar ahaan goobaha ay ku dhuumaalaystaan ururka Daacish.

Puntland waxay sheegtay ciddii aan muddaas ka bixin buuraha Calmiskaad in ay u aqoonsan doonto cid la shaqaysa Daacish. Sidoo kale Puntland waxay xustay in ay shan berri kaddib qaadi doonto howlgallo waaweyn oo cir iyo dhul ah, kuwaas oo oo ka dhan ah ururka Daacish.

Amarka lagu soo rogay reer guuraaga iyo xijiyaysatada wuxuu yimid, xilli duqeyn maalmo ka hor ka dhacday buuraha Calmiskaad ay waxyeello ka soo gaartay qoys reer miyi ah.

Muddooyinkii dambe waxaa soo badanayay weerarada iyo dhaqdhaqaaqyada Daacish ee Calmiskaad, iyaga oo dib ugu soo noqday deegaanno laga sifeeyay sanadkii hore ee 2025.

PUNTLAND POST