Xubin ka tirsan Al-shabaab oo isku soo diibay DFS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in uu isku soo dhiibay Cali Maxamed Colow oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Qoraal ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose uu isu dhiibay horjooge Cali Maxamed Colow oo wata qori AK47 ah iyo booshkiisa.

Ninkan ayaa la xusay in uu ka soo baxsday deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan gurmad loo keenay, islamarkaana uu ka soo dagaalamay gobollada Hiiraan, Sh/Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Ninkan isa soo dhiibay ayaa sheegay in xaaladaha adag, cabsi joogto ah iyo dhibaatooyinka ka jira gudaha Al-shabaab ay sabab u noqdeen in uu ka baxo ururkaas, isaga oo xusay in uu garwaaqsaday in uu ku jiray waddo khaldan.

PUNTLAND POST