Madaxtooyada Puntland oo gaadiid ku wareejisay guddoomiyeyaasha gobollada

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyeyaasha gobollada Puntland, kaas oo la sheegay in diiradda lagu saaray xoojinta nabadgelyada, dardargelinta qorsheyaasha horumarineed ee dowladda, ballaarinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta maamul-wanaagga.

Madaxweyne Deni ayaa warbixinno ka dhegaystay guddoomiyeyaasha gobollada Puntland, kuwaas oo ka xog-warramay xaaladda guud ee gobollada, gaar ahaan amniga, horumarka, shaqooyinka ka socda, kuwa qorsheysan iyo baahiyaha deegaanka & xaaladda abaarta.

Ugu dambayn, Madaxtooyada Puntland ayaa guddoomiyeyaasha gobollada ku wareejisay gaadiid cusub oo loogu talagalay horumarinta adeegyada bulshada iyo fududeynta shaqada maamulka gobollada.

PUNTLAND POST