
Deegaannada Puntland waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku soo badanayay xanuunka Gawracatada, kaas oo la sheegay in degmooyinka qaar ay dad ugu dhinteen.
Degmooyinka Eyl iyo Jariiban ayaa ka mid ah meelaha laga soo sheegayo xaruunkan dhimashada sababay oo ah infekshan halis ah oo haleela cunaha, sanka iyo maqaarka.
Xanuunkan waxaa inta badan qaada dadka ka weyn 60 sano, carruurta ka yar 5 sano iyo dadka nafaqo-darradu hayso ee ku nool meelaha dadku ku badan yihiin ama aan nadaafadda lahayn.
Xanuunka Gawracatada ayaa si fudud loo kala qaadaa, waxaana ka mid ah qaababka la iskugu gudbiyo hindhisada, qufaca, taabashada, dharka la wada isticmaalo iyo wax wada cabka.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo maalmo ka hor ka hadashay xanuunkan waxay sheegay in sanadkan gudihiisa dadka la geeyay xarumaha caafimaadka ay gaarayaan 579 qof, islamarkaana ay u dhinteen 21 ruux.
PUNTLAND POST