Puntland oo siidaysay dhalinyaro dhawaan la xirxiray

Puntland ayaa siidaysay boqolaal dhalinyaro ah oo la xirxiray 2-dii bishan Maajo, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay rabshado ka sameeyeen maagaalada Boosaaso.

Dhalinyaradaas oo qaarkood ku xirnayd jeelka magaalada Garoowe ayaa la siidaayay shalay, waxaana siidayntooda Garoowe u yimid Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Bari Siciid Aadan Siciid iyo qaar ka mid ah waalidiinta dhallinyarada.

Dhalinyaradan ayaa ahaa arday wax ka barata iskuullada magaalada Boosaaso, waxaana lagu siidaayay go’aan ka soo baxay guddiga nabadgelyada gobolka Bari.

PUNTLAND POST