
Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn ee dhanka dib-u-habeynta xeer-nidaaminta isgaarsiinta adduunka, sida lagu sheegay warbixinta Tirakoobka Nidaamyada ICT-da ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), taas oo daboolaysa muddadii u dhexeysay 2007 ilaa 2024.
Warbixinta ITU ee la daabacay bishan May 2026 ayaa muujisay in Soomaaliya ay ka soo kacday heer eber ah sanadkii 2007 ilaa 77.5% sanadkii 2024, taas oo ka dhigaysa dalka kaalinta koowaad kaga jira 15-ka dal ee sameeyay horumarka ugu weyn ee dhinaca nidaaminta isgaarsiinta.
Horumarkan ayaa yimid kadib dib-u-habeynno waaweyn oo la sameeyay tan iyo markii la aas-aasay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) sanadkii 2018, iyadoo lagu saleynayo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.
Warbixinta Raad-raaca Nidaaminta ICT-da ee ITU ayaa ah mid lagu cabbiro heerka horumarka maamulka ICT-da ee 194 dal oo caalamka ah. Soomaaliya ayaa hadda si rasmi ah ugu biirtay heerka nidaaminta Jiilka 3-aad (G3) ee ITU, oo lagu tilmaamo heerka kobcinta maalgashiga iyo ballaarinta adeegyada isgaarsiinta.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in aqoonsigan uu muujinayo dadaalladii joogtada ahaa ee Soomaaliya ay wadday tan iyo sanadkii 2018 si loo dhiso hay’ad madax-bannaan iyo hannaan sharciyeed casri ah oo hagaya suuqa isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda.
PUNTLAND POST