Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ka hadlay dastuurka iyo doorashooyinka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan ayaa ka hadlay dastuurka cusub iyo doorashooyinka qof iyo cod, kuwaas oo xudun u ah khilaaf siyaasadeed ee dalka ka jira, islamarkaana ah labada qodob ee ay diidan yihiin mucaaradka.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulanka guddoomiyey, ayaa sheegay in laga bilaabo maalinkii uu saxiixay madaxweynaha iyo maalinkii lagu soo saaray faafinta rasmiga ah uu dhaqangal yahay dastuurka cusub, balse hirgalintiisa ay qaadanayso muddo, gaar ahaan arrimaha ku saabsan maamulka.

Golaha ayaa sidoo kale dhagaystay warbixinno ku saabsan doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay degmooyinka Koonfur Galbeed iyo wadahaladii fashilmay ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, waxayna sheegeen in wadada keliya ee furan ay tahay doorashooyinka tooska ee socda.

PUNTLAND POST