
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay sheegay in muddo xileedka dowladda uu hoggaamiyo yahay 5 sano, islamarkaana ku eg yahay 15 Maajo 2027-ka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dastuurka cusub ee dhawaan uu saxiixay ay ku qoran tahay muddo xileedka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo uu xusay in dhaqangalkiisa uu bilowday.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu hore u sheegay in muddo xileedka dowladiisa uu dhammaanayo 15 Maajo 2026-ka, islamarkaana dastuurka cusub uu dhaqangal noqon doono dowladda dambe.
Hadalka xalay ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yimid, xilli uu shalay fashil ku soo dhamaaday shir u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka, ayna garwadeen ka ahayd Beesha Caalamka.
PUNTLAND POST