Madaxweyne Deni oo caawa ku hoyday Qardho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta ka soo laabtay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu maalmihii la soo dhaafay u joogay shirkii fashilmay ee dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

Madaxweyne Deni ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe, wuxuuna saacado uu ku sugnaa xarunta madaxtooyada kaddib u ambabaxay gobollada Bariga ee Puntland.

Madaxweyne Deni waxa uu caawa ku hoyday magaalada Qardho, kaddibna waxaa lagu wadaa in uu aado magaalada Boosaaso oo markii hore uu ka duulay.

PUNTLAND POST