Guddoomiye hore oo ku dhintay dagaal ka dhacay Calmiskaad

Guddoomiyihii hore ee degmada Ufeyn Kabtan Maxamed Axmed Carab, hadana ahaa sarkaal ciidan ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray dagaal shalay galinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan Puntland iyo ururka Daacish.

Daacish ayaa jidka u gashay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Puntland, kuwaas oo marayay togga Jaceel, waxaana dagaalkaas ku dhintay ilaa 5 askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Sidoo kale Daacish ayaa dagaalkaas lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo badanayay weerarada ay gaystaan argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysata buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

PUNTLAND POST