
Dowladda Biritayn ayaa cusboonaysiisay digniinta safarka ee ay ka bixiso Soomaaliya, iyada oo muwaadiniinteeda uga digtay in ay ku safraan qaybo ka mid ah gobollada Koonfurta iyo Waqooyiga.
Warbixin ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa lagu sheegay in ay dowladda Biritayn mamnuucday dhammaan safarada lagu tagayo Soomaaliya oo ay ku jiraan gobollada Togdheer, Sanaag iyo Sool, sababo la xiriira khataraha amni iyo weerarada ay geystaan kooxaha argagixisada.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ay sii xoogeysteen, gaar ahaan deegaannada ku dhow magaalada Muqdisho.
Dowladda Biritayn waxay sheegtay in qof kasta oo go’aansada in uu sii joogo Soomaaliya looga baahan yahay in uu yeesho qorshe degdeg ah oo u gaar ah, maadaama aanu ku tiirsanaan karin taageero rasmi ah oo dowladda Biritayn ah haddii xaalad degdeg ah dhacdo.
PUNTLAND POST