Puntland oo soo saartay digniin la xiriirta tartanka ciyaaraha ee ka socda Boosaaso

Xiriirka Kubadda Puntland ayaa digniin u diray maamulka, macalimiinta, ciyaartooyda iyo mas’uuliyiinta ka qaybgalaya tartanka caasimadaha gobollada ee ka socda magaalada Boosaaso.

Waxaa loogu baaqay in ay dhowraan mabaadi’da Puntland, cidii lagu arko hadal ama ficil lid ku ah dowladnimadana laga saarayo tartanka, islamarkaana la gorgayn doono sharciga.

Sidoo kale Puntland waxay xustay in qabyaaladda iyo siyaasadda ay ka reeban tahay oo mamnuuc ka tahay mas’uul, ciyaartoy iyo cid kasta oo ka qaybgalaysa tartanka ciyaaraha caasimadaha gobollada Puntland.

Sidaan maalmo ka hor tabinay tartanka ciyaaraha caasimadaha gobollada Puntland ayaa waxaa saameysay qabyaalad iyo siyaasad la xiriirta Sool, Sanaag iyo Cayn.

PUNTLAND POST