
Tartanka ciyaaraha caasimadaha gobollada Puntland oo ka socda magaalada Boosaaso, laguna xusayo halyeeyadii ciidamada ku nafwaayay dagaalka Calmiskaad ayaa waxaa saameysay siyaasad la xiriirta Sool, Sanaag iyo Cayn.
Taageerayaasha magaalooyinka Dhahar iyo Badhan ayaa soo qaatay calanka maamulka la magac-baxay Maakhir oo sheegta gobolka Sanaag, islamarkaana ah maamul aysan aqoonsanayn Puntland.
Sidoo kale xulal matalayay Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa tartanka kala kulmay weji gabax, kaddib markii mid kasta kulankii ugu horreeyay looga adkaaday goolal ka badan nus darsin (Qardho 6-0 Buuhoodle, Garowe 8-0 Laascaanood).
Puntland waxay arrintaas kala kulantay dhaleecayn badan, iyada oo dad badan oo ay ku jiraan ciyaartoy ka qaybgalaya tartanka ku eedeeyeen dowladda in dhalinyarada matalaya magaalooyinkaas laga soo uruuriyay xaafadaha barakacayaasha Boosaaso, islamarkaana looga gollahaa siyaasad.
Tartanka ciyaaraha Puntland oo loogu talagay is dhexgal bulsho, ayaa waxaa moodaa in uu sii kala fogaynayo bulshada, iyada oo ay arrintaas door weyn ka qaadanayaan dhalinyarada isticmaasha baraha bulshada.
PUNTLAND POST