PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Video article Madaxweyne Deni oo difaacay Imaaraadka

Share

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta hadal ka jeediyay magaalada Gaalkacyo ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu khilaafka ka jira gudaha dalka ka dhigayo mid u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Deni wuxuu difaacay heshiisyada Imaaraadka, isaga oo caddeeyay in ay Puntland ka go’an tahay sii wadista iyo fulinta heshiisyadaas.

Wuxuu sheegay in Puntland aysan aqbali doonin go’aamada ka soo baxa dowladda federaalka oo ay tahay dowladda waqtigeedii dhammaaday, islamarkaana iska dhagatirtay go’aankii Maxkamadda Sare.

“Dadka Soomaaliyeed iyagaa is qabtay, haddaan ka dhigno in shisheeye noo heshiiyay waa ceeb iyo fadeexad…. Annagu (Puntland) cid kasta oo heshiis naga dhexeeyo waan ilaalinaynaa, una joojin mayno dowlad waqtigeedu dhammaaday…” ayuu yiri madaxweyne Deni.

PUNTLAND POST