Madaxweyne Deni oo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta gaaray magalada Muqdisho, halkaas oo u tagay ka qaybgalka wadahadal u dhexeeya dowlada Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

Wadahadalka labada dhinac ayaa la sheegay in ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka, gaar ahaan safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, inkastoo uu intaas beeniyay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Cumar Balcad.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan gogol watashi u dhigay Golaha Mustaqbalka, balse waxay ku xireen shuruudo ay ka mid ahaayeen in la helo dhexdhexaadiyayaal madax bannaan oo la isku raacsan yahay.

PUNTLAND POST