
Magaalada Boosaaso waxaa habeenimadii xalay lagu dilay gabar lagu magacaabi jiray Saabiriin Liibaan, taas oo ka mid ahayd dhalinyarada magaalada.
Dilka gabadha ayaa sheegay in loo adeegsaday xabad, xilli ay saarnayd gaari nooca raaxada ah oo marayay halka ay iska galaan jidka sodonka galbeed iyo waddada gasha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.
Illaa hadda lama oga cidda ka dambaysay dilka marxuumad Saabiriin oo noqonaysa gabadhii labaad oo sanadkan gudihiisa lagu dilo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
PUNTLAND POST