Maxaa ka jira in Maraykanku dhexdhexaadinayo mucaaradka iyo dowladda?

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Cumar Balcad ayaa beeniyay jiritaanka gogol siyaasadeed oo u dhaxaysa dowladda iyo mucaaradka oo ay soo qabanqaabisay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Wasiir Cali Balcad ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “Beesha Caalamku talo ayay ku leedahay Soomaaliya ee kuma samayn karto wax faragalin ah arrimaha Soomaaliya”.

Dhanka kale Cali Balcad wuxuu sheegay in mucaaradka qoreen warqad ay Beesha Caalamka kaga dadbadeen in kaalamada shisheeye laga joojiyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waan ka xunahay warqadda ay xubnaha mucaaradku u qoreen beesha caalamka ee ah in kaalamada shisheeye laga joojiyo DFS” ayuu yiri Cali Balcad.

PUNTLAND POST