Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka mid ah mucaaradka Muqdisho ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka in ay rasaas u adeegsatay dad shacab ah oo banaanbax nabadeed ka dhigayay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Kheyre ayaa sheegay in rasaastaas uu ku dhintay hal qof oo shacab ah, sidoo kale ay ku dhaawacmeen tiro kale, isagoo tacsi u diray ehellada qofka dhintay iyo kuwa dadka ku waxyeelloobay.
“Inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajucun waxaan u tacsiyeyenay ehalada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadka ku nafwaayay maanta banaan bixii nabadeed ee ka dhacaayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile, inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay, tiro kalana waa ku dhaawacantay…” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ka hadlin banaanbaxa ka dhacay degmada Dayniile iyo khasaaraha ka dhashay ee lagu eedeeyay.
PUNTLAND POST