
Illaa iyo hadda ma cadda goorta uu qabsoomayo shirkii arrimaha doorashada ee lagu waday in ay maanta isugu yimaaddaan madaxda dowladda Federaalka ah iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo hore ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Golaha Mustaqbalka ayaa shirkaas ku xiray labo shuruudood oo kala ah (1) in marka hore la joojiyo doorashada qof & cod ee wado dowladda Federaalka (2) iyo in la helo dhexdhexaadiyayaal madax bannaan oo la isku raacsan yahay.
Dowladda Federaalka weli wax jawaab ah kama bixin dalabka mucaaradka, taas baddelkeeda waxay maanta deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ka qabatay doorasho qof iyo cod.
Golaha Mustaqbalka waxay sheegeen haddii la gaaro 15-ka bishan Maajo, iyada oo aan laga heshiis doorashada in ay qaadayaan tallaabooyin ay ku timaameen kuwo lagu badbaadinayo midnimada iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.
Muraacadka iyo dowladda ayaa maanta isku horfadhiya waddooyinka Muqdisho, Golaha Mustaqbalka waxay wadaan bannaan baxyo ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh, halka dowladdu doonayso in ay xakamayso dhaqdhaqaaqyada mucaaradka.
PUNTLAND POST