Xasan sheekh oo ka qaybgalay caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo ka dhacday magaalada Jabuuti ee caasimadda dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ahaa madaxda dalalka gobolka, hoggaamiyeyaal caalami ah iyo wufuud heer sare ah oo lagu casuumay munaasabadda ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo iskaashiga gobolka, si loo xaqiijiyo nabad, horumar iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Geeska Afrika.

PUNTLAND POST