
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay dhalinyaro iyo wariyeyaal saacadihii ugu dambeeyay lagu xiray magaalada Muqdisho.
Farmaajo wuxuu sheegay in xarriga dhalinyarada iyo wariyeyaasha looga golleeyahay in lagu xakameeyo kacdoonka bulshada diiddan eexda, musuqa iyo barakaca, sida uu hadalka u dhigay.
“Xarigga iyo caburinta isdabajoogga ah ee nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh uu kula kacayo dhallinyarada iyo haldoorka Muqdisho, si uu u xakameeyo kacdoonka bulshada ee diiddan eexda, musuqa iyo barakaca, waa mid dhaawacaya dowladnimada, siina hurinaya guuxa iyo gadoodka shacabka” ayuu Farmaajo ku yiri qoraal uu soo saaray.
Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu farriin culus u diray hay’adaha amniga, gaar ahaan Ciidanka Booliska oo uu ku adkeeyay in ay ka fogaadaan in loo adeegsado dano shakhsi, gaar ahaan barakicinta iyo caburinta lagu hayo dhalinyarada iyo wariyeyaasha.
Farmaajo wuxuu yiri “Ciidanka Soomaaliyeed waxaa loo aas-aasay ilaalinta shacabka, difaaca karaamada muwaadiniinta, sugidda amniga iyo dhowrista xuquuqda dadka Soomaaliyeed. Sidaas darteed, waxaan adkaynayaa in hay’adaha amniga ay ka fogaadaan fal kasta oo shacabka ku abuuraya cabsi, barakac iyo kalsooni darro, ayna ka taxadaraan in loo adeegsado dano shakhsi ah iyo xukun maroorsi”.
“Marar badan ayaan ka dignay falalkan dhaawacaya dowladnimada, sumcadda qarannimada iyo kalsoonida shacabka, kuwaas oo dhulboobka, caburinta iyo ku tagri-falka awoodda ay saldhig u yihiin. Maanta waxaa taagan natiijada laga dhaxlay oo ay ugu horreyso isku dhacyo ciidan iyo shacab caraysan oo jidadka u taagan difaaca karaamadooda iyo nolashooda” ayuu raaciyay.
PUNTLAND POST