Saddex wariye oo lagu xiray Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa magaalada Muqdisho ku xiray saddex wariye oo howlgala warbaahinta madaxa-bannaan, kuwaas oo kala ah Cabdishakuur Maxamed Maxamuud, Maxamed Ibraahim Bulbul iyo Cabdixafiid Nuur Barre.

Wariyayaashan oo laga qabtay agagaarka Soobe ayaan illaa iyo hadda la ogayn halka la geeyey iyo sababta rasmiga ah ee ka dambaysa xarigooda, hase ahaatee waxay ka mid noqonayaan dhowr wariye oo maalmihii la soo dhaafay ay dowladdu siyaabo kala duwan ugu xirtay Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay xariga ay dowladdu u gaysanayso wariyeyaasha, isaga oo ku tilmaamay falal wuxuushnimo ah.

Sheekh Shariif ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “Waxaan si adag u cambaareynayaa falalka wuxuushnimada ah ee taliska muddo-xileedkiisu dhammaadka yahay uu ku beegsanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howgala warbaahinta madax-bannaan”.

“Dhacdooyinkan foosha xun waxay ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaan in madaxda muddo xileedkoodu gabaabsiga yahay ay doonayaan inay aamusiyaan codka bulshada caasimadda ee ka dhashay ku tak-rifalka awoodda dowladda, barakicinta danyarta, boobka hantida danta-guud iyo tan gaarka loo leeyahay” ayuu raaciyay.

Madaxweyne hore Sheekh Shariif wuxuu codsaday in si degdeg ah loo siidaayo wariyeyaasha xiran ee ay ugu dambeeyeen Cabdishakuur Maxamed Maxamuud, Maxamed Ibraahim Bulbul iyo Cabdixafiid Nuur Barre oo caawa la xiray.

PUNTLAND POST