
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti, halkaasi oo la sheegay in uu kaga qayb galayo munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti si diiran ugu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah madaxda dowladaha geeska Afrika iyo mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha Jabuuti, waxaana muddada uu dalkaasi joogo kulamo la yeelandoonaa madaxda sare ee dalka Jabuuti iyo mas’uuliyiin kale.
PUNTLAND POST