Shacabka ku dhintay xiisadda Deyniile ee Muqdisho

Inta la xaqiijiyay ilaa afar ruux oo shacabka ah ayaa ku dhintay xiisad ilaa xalay ka taagnayd xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, taas oo u dhaxaysa dowladda Federaalka iyo dadka deegaanka.

Sidoo kale dagaalka Deyniile waxaa ku dhintay ilaa saddex askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, halka ay ku dhaawacmeen dhowr kale, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Shacabka ku dhaqan xaafadda Warlaliska ayaa intooda badan isaga barakacay guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeello ka soo gaarta dagaalka halkaas ka socda ee u dhexeeya dowladda iyo dadka deegaanka.

Xiisaddan oo ah mid soo noqnoqotay waxay salka ku haysaa howlaha bannaynta dhulka danta guud ee ay wado dowladda Federaalka, taas oo abuurtay buuq iyo xiisad muddo ka taagan gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST