
Dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac badan ayaa dhacay deegaanka Laaso oo u dhexeeya deegaannada Carmale iyo Daarasalaam ee bariga gobolka sanaag.
Dagaalka oo bilowday shalay, islamarkaana soo gaaray ilaa xalay wuxuu sababay dhimashada in ka badan 20 ruux iyo dhaawaca tiro intaas ka badan, wuxuuna u dhexeeyaa labo beeleed oo isku dhow, kana soo wada jeeda beesha Warsangeli.
Ilaa hadda ma jirto cid u istaagtay colaaddaas khasaaraha badan gaysatay, iyada oo deegaankaas uu ka tirsan yahay maamulka Puntland oo weli aan wax tallaabo ah qaadin.
PUNTLAND POST