
Maamuulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in la hakiyey duminta dhulkii ay shacabku degganayeen ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sacaadihii la soo dhaafay sababay dagaallo uu dhiig ku daatay.
Sidoo kale maamuulka Banaadir wuxuu sheegay in dhul la siinayo dadkii barakacay, halka dib loo baarayo dadka haysta sharciyada dhuleed ee guryohooda laga dumiyay.
Arrinkan ayaa daba socda baaqii mucaaradka iyo dagaalkii ka xalay ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile, halkaas oo dadku ka dagaallameen in dhulkooda la geliyo Cagafta caanka ka noqotay Muqdisho.
PUNTLAND POST