Askar mushaar la’aan ka cabanaysa oo xirtay mid ka mid ah waddooyinka Muqdisho

Askar sheegtay in ay ka tirsan yihiin Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa maanta xirtay wadada xiriirisa maxkamadaha, xabsiga dhexe ilaa wadada dekedda ee magaalada Muqdisho.

Askartan ayaa sheegay in ay ka cabanayaan mushaar la’aan iyo qaraam la’aan muddo hal sano iyo bar ah oo ay shaqaynayeen, sida ay ku xuseen muuqaal laga duubay.

Waxay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ka codsadeen in ay si degdeg ah uga soo jawaabaan cabashadooda, islamarkaana ay helaan xuquuqdooda.

Dowladda ayaa weli ka hadlin arrintan, iyadoo dhawaan taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya loo magacaabay Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, kaddib markii xilka laga qaaday Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub).

PUNTLAND POST