
Xaaladda magaalada Qardho ayaa maanta deggan, waxaana dib u soo laabanaya dhaqdhaqaaqii caadiga ahaa ee bulshada, kaddib shaqaaqadii shalay halkaas ka dhacday.
Sidoo kale waxaa saaka la aasay labo ruux oo shalay lagu kala dilay gudaha iyo bannaan magaaalada Qardho, kuwaas oo sababsaday shaqaaqadii dhexmartay labada beelood.
Mas’uuliyiin ka tirsan heerka Puntland, maamulka gobolka Karkaar, kan degmada, isimada dhaqanka iyo waxgaradka labada dhinac ayaa si degdeg ah uga falceliyay dhacdadii shalay ee Qardho oo ahayd muddo soo jiitamaysay.
Dadaalladaasi oo ahaa kuwo nabadeed ayaa horseeday in la kala dhexgalo dhinacyadii ay wax kala gaareen, iyada oo haatan gacan ku haynta dhulka muranku ka dhashay ay si buuxda ula wareegeen laamaha ammaanka.
Mas’uuliyiinta iyo hay’adaha amniga ayaa weli ku howlan sidii xal waara looga gaari lahaa shacdadaas, islamarkaana loo soo afjari lahaa khilaafkaas, loona xoojin lahaa nabadda guud.
PUNTLAND POST