Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay waxgaradka gobolka Bari

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Bari, kaas oo looga hadlay xaaladda amni ee gobolkaas iyo guud ahaan Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay dadka gobolka Bari ka qaybgalkoodii sugida amniga iyo howlgalka ciribtirka argagixisada, isagoo sidoo kalena ku booriyay in ay meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo khalkhalgelin ku wada anmiga gobolka iyo xasiloonida guud ee Puntland sida burcad-badeedda iyo tahriibinta dadka.

Kulanka waxaa ka qaybgalay, guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Maxamed Baari Shire, mas’uuliyiin ka socday goleyaasha dowladda Puntland ee kala duwan la-taliyeyaal madaxweyne, siyaasiyiin, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, saraakiil ciidan, culimaa’udiin, ganacsato, haween, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Bari.

PUNTLAND POST