
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku midaysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ee siyaasiyiinta Muqdsho ayaa ka jawaabay gogosha uu dhigay madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo ku xiray labo shuruudood oo adag.
Golaha Mustaqbalka ayaa gogosha shuruudo uga dhigay in marka hore la joojiyo doorashada qof & cod ee wado dowladda Federaalka iyo in la helo dhexdhexaadiyayaal madax bannaan oo lagu isku raacsan yahay.
Golaha Mustaqbalka waxay sheegeen haddii la gaaro 15 May, iyada oo aan laga heshiis doorashada in ay qaadayaan tallaabooyin ay ku timaameen kuwo lagu badbaadinayo midnimada iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

PUNTLAND POST