Puntland oo ku eedeeysay Federaalka soo laabashada Burcad-badeeda

Puntland ayaa ku eedeeysay dowladda Federaalka Soomaaliya ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in ay ku lug leedahay falalka burcadbadeeda ku soo laabtay deegaannadeeda.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Puntland, Bile Maxamuud Qabowsade ayaa qoraal uu ku daabacay gacankiisa Facebook-ga ku yiri “madaxweynaha muddo xileedku ka dhamaanayo ee Xasan Sheekh iyo kooxdiisa waxay ka shaqeynayaan in ay xoogeystaan falalka argagaxisada iyo burcad-badeeda, iyagoo ka abuuraya dowladaha xubnaha ka ah Federaalka qalqal amni”.

Wasiir Bile Qabowsade wuxuu tilmaamay in Puntland la dagaalamayso falkasta oo burcad-badeednimo ah oo la isku dayo in laga sameeyo deegaannada ay ka arrimiso Puntland.

Sidoo kale Bile Qabowsade wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka in ay siyaasadeeda dowlad goboleedyada u isticmaashay shaqaalihii caalamku ugu talagalay la dagaalanka argagixisada Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka waxay u weecisay dhaqaalihii caalamka ee la doonayey in lagula dagaalamo argagaxisada dhanka duminta dowlad goboleedyada la isku soo kab kabayey muddada dheer, taasoo halis weyn ku ah dowladnimda Soomaaliya iyo amaanka guud ee gobolka” ayaa yiri Bile Qabowsade.

PUNTLAND POST