
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa xarigga ka jaray garoonka kubadda cagta magaalada Boosaaso, kaas oo loogu magac-daray Shuhaadada Calmiskaad.
Munaasabadda xarig jarka oo ay ka qaybgaleen boqolaal shacabka ah iyo mas’uuliyiin ayaa madaxweynaha Puntland sheegay in isu soo baxan yahay mid loogu dabaaldagayo miraha halgankii Calmiskaad, sidaas darteedna garoonka loogu xusay Shuhaadada Calmiskaad.

Madaxweyne Deni wuxuu u mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in ay Puntland ka taageertay dhismaha garoonka oo si casri ah loo dhisay.
Garoonka kubadda cagta Boosaaso (Shuhaadada) ayaa lagu wadaa in isniinta uu ka furmo koobka Calmiskaad oo ay ku tartamayaan xulal kala matalaya caasimadaha gobollada Puntland (Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo, Qardho, Badhan, Dhahar, Laascaanood, Buuhoodle iyo Caluula).
PUNTLAND POST