Calmiskaad: Ciidan jabiyay digniin uu jeediyay madaxweye Deni

Ururka 11-aad (Kaah) ee ciidamada daraawiishta Puntland ayaa sheegay in ay afar askari ka dhaawacmeen, kaddib dagaal habeenimadii xalay ka dhacay togga Ina Cidoole ee buuraha Calmiskaad, kaas oo dhexmaray ciidamada iyo Daacish.

Ciidamada Puntland waxay xuseen in dagaal goos goos ah uu weli ka socdo deegaankaas, islamarkaana ay jab xoogan gaarsiiyeen ururka argagsixisada ah ee Daacish.

Dhanka kale ciidamada ayaa sheegay in aysan helin gurmadkii ay u baahnaayeen, iyaga oo ka cawday miino baaris la’aan iyo adeega caafimaadka. Ciidamada ayaa warkan ku baahiyay bartooda Facebook-ga, waxaana markii dambe la tirtiray qaybtii cabashada.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan ciidamada Puntland ugu digay in ay cabashadooda mariyaan baraha bulshada, isaga oo faray in cidda ay qusayso soo mariyaan cabashadooda.

PUNTLAND POST