
Dr. Faarax Maxamed Cabdi oo muddo 12 berri ah afduub loogu haystay degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa maanta dib u helay xorriyadiisa.
Odayaal dhaqan ayaa ku guuleystay in ay kala soo wareegaan maleeshiyaadkii haystay, kaas oo lagu in ay isla maanta ku wareejiyaan mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.
Dr. Faarax Cabdi Maxamed oo ka mid ah hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (MSF) ee ka howlgasha isbitaalka guud ee Gaalkacyo ayaa 22-kii bishii hore ee Abriil laga afduubay magaalada Gaalkacyo.
Dhakhaatiirta gobolka Mudug oo si weyn ugu farxay sii daynta dhakhtarka ayaa bilaabay in ay isu diraan fariimo hambalyo ah, iyaga oo isu diyaarinaya in ay soo dhaweeyaan.
PUNTLAND POST