
Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay jadwalka dhameystiran ee doorashooyinka dowlad goboleedyada, kaas oo isugu jira goleyaasha iyo madaxtinimada.
Guddigu waxay sheegeen in doorashada golaha deegaanka iyo golaha wakiilada ee maamulka Koonfur Galbeed la qaban doono 10 May 2026, halka doorashada guddoonka golaha wakiilada la qaban doono 18 May 2026, sidoo kale tan madaxweynaha maamulkaas la qaban doono 23 May 2026.
Doorashada golaha deegaanka iyo golaha wakiilada ee maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa la shaaciyay in la qaban doono 20 Jun 2026, halka doorashada guddoonada golaha wakiilada la qaban doono 2 July 2026, sidoo kale tan madaxweynayaasha labada maamul waxaa la tilmaamay in la qaban doono 9 July 2026.
Sidoo kale doorashada golaha caasimadda Muqdisho ayaa la sheegay in la qaban doono 30 July 2026, halka doorashada duqa iyo ku-xigeenkiisa la qaban doono 5 August 2026.
Doorashada golaha deegaanka ee maamulka Waqooyi Bari iyo gobolka Gedo ee Jubaland ayaa la tilmaamay in la qaban doono 30 July 2026.


PUNTLAND POST