
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ku casumay kulan wadatashi ah oo la muddeeyay 10-ka bishan.
Kulankan waxaa la sheegay in uu salka ku hayo baahida loo qabo wadahadalo dhab ah oo laga yeesho geeddi-socodka dowlad-dhiska sida doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aaminsan yahay in xilligan la joogo ay lagama maarmaan tahay is qancin iyo isu-tanaasul, si ay wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah, natiijo wax ku ool ahna ay ka soo baxaan.
Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu xusay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay xoojinta hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadajir, is-afgarad iyo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo dowladnimada Soomaaliya.

PUNTLAND POST