
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta furay bandhigga todobaadka hal-abuurka tiknoolajiyadda ee jaamacadda Citycot ee Boosaaso.
Madaxweyne Deni ayaa kormeeray qeybta carwada lagu soo bandhigay hal-abuurka tiknoolajiyadda ee ay hindiseen ardayda jaamacadda Citycot, isagoo warbixin ka dhegaystay ardayda oo soo bandhigay hal-abuur casri ah oo u badan adeegyada danbeysan, Robots shaqeynaya, sida korontada looga faa’ideysto wax soo saarka beeraha iyo qeybo ka mid ah dalaga dhulka ka soo baxay & kheyraadka badda ku jira.
Waxaa munaasabadda ka qeybgalay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Maxamed Baari Shire, xubno ka mid ah goleyaasha dowladda , La-taliyeyaal, Guddiga Tacliinta Sarre ee Puntland, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, ganacsato , maamulka jaamacadda Citycot iyo ardayda.







PUNTLAND POST