Afhayeenkii Laftagareen iyo ciidan wata mootooyin oo ka soo muuqday meel miyi ah

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ah afhayeenka madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta baahiyay muuqaal ay ka soo muuqdeen isaga iyo ciidamo wata mootooyin nooca Fekonta ah, islamarkaana jooga dhul miyi ah.

Ugaas Xasan oo muuqaalka ku baahiyay bartiisa Facebook-ga waxa uu ciwaan uga dhigay “Rag tashadey dhul waa toli karaa tako labadii” Wuxuuna muuqaalkan muujinayaa in abaabul ciidan oo uu ku howlan yahay.

Ma cadda goobta lagu duubay muuqaalka iyo halka rasmiga ah ee ay joogaan ciidamada uu soo bandhigay Ugaas Xasan, kuwaas oo dood ka dhaliyay baraha bulshada.

Macluumaad soo baxaya ayaa sheegaya in ay xubno ka tirsan maamulkii dhacay ee Laftagareen ay gobolka Gedo ka wadaan abaabul ciidan iyo duulaan ka dhan ah Baydbaba.