Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka BSP ee lacag bixinta tikidhada

Ururka caalamiga ah ee gaadiidka cirka (IATA) ayaa bilaabay tijaabada nidaamka Billing and Settlement Plan (BSP) ee Soomaaliya, taas oo la filayo in ay si buuxda u dhaqangasho dhammaadka bishan May 2026.

Nidaamkan cusub ee lacag bixinta tigidhada ayaa la sheegay in uu qayb weyn ka qaadan doono kobcinta waaxda duulista hawada Soomaaliya, iyadoo dowladda federaalku doonayso in ay ballaariso isku xirka caalamiga ah islamarkaana kor u qaaddo dhaqaalaha dalka.

Marka nidaamka si buuxda loo furo waxaa ka faa’iideysan doona in ka badan 300 wakaaladood oo safar iyo shirkado diyaaradeed oo ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jirto Ethiopian Airlines.

Nidaamka BSP waa hannaan caalami ah oo fududeeya lacagaha u dhexeeya shirkadaha diyaaradaha iyo shirkadaha iibinta tikidhada, wuxuuna ka shaqeeyaa dabagalka iibka tikidhada, maamulka lacagaha iyo hagaajinta hab-maaliyadeedka shirkadaha diyaaradaha.

Sida la sheegay sannadkii 2025 nidaamkan BSP wuxuu maareeyay in ka badan 700 milyan oo macaamil ganacsi ah oo ka dhacay 180 dal, iyadoo guud ahaan lacagta la helay ay gaartay 242 bilyan oo dollar.

PUNTLAND POST