
Golaha Mustaqbalka, gaar ahaan garabka siyaasiyiinta Muqdisho ayaa xalay kulan la qaatay isimada dhaqanka Soomaaliyeed ee ka qeybgalay caleemasaarkii Muqdisho ee Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi.
Siyaasiyiinta mucaaradka waxay la wadaageen odayaasha dhaqanka xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo is mari-waaga haatan taagan, iyada oo ka codsaday in ay u istaagaan arrintaas, islamarkaana ay dhexgalaan iyaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda ballanqaaday in ay maalmaha soo socda isu keeni doonaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mucaaradka, si ay uga wadahadlaan khilaafka u dhexeeya labada dhinac.
PUNTLAND POST