Maxaa looga hadlay shirkii golaha wasiirrada Puntland?

Golaha wasiirrada Puntland ayaa yeeshay kulankoodii khamiista, kaas oo looga hadlay la dagaalanka burcad-badeeda, warbaahinta iyo qabanqaabada tartanka kubbadda cagta caasimadaha Puntland ee ka furmaya Boosaaso.

Kulanka oo shir guddoomiyay madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor waxaa lagu bogaadiyay doorka ciidamada ammaanka ee sugitaanka amniga Puntland ee bad iyo berriba.

Golaha wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay wasaaradda warfaafinta oo golaha la wadaagtay bandhig ku saabsan habab casri ah oo lagu horumarinayo warbaahinta dowladda iyo midda Puntland, si ay kaalin wanaagsan uga qaataan wacyigelinta bulshada.

Golaha wasiirrada waxay ka hadleen qabanqaabada tartanka caasimadaha Puntland oo loogu magac-daray koobka halyeeyada iyo furitaanka garoonka Shuhadada ee Boosaaso, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ciyaaruhu u leeyihiin mideynta iyo is dhexgalka bulshada.

PUNTLAND POST