
Gen. Jimcaale Jaamac Takar oo hoggaamiya ciidanka Danab ee fadhigoodu yahay Garoowe ayaa safar ku aaday magaalada Muqdisho, halkaas oo looga yeeray.
Gen. Jimcaale wuxuu maanta oo khamiis ahayd ka dhoofay magaalada Laascaanood, sida ay ogaatay Puntland Post.
Gen. Jimcaale ayaa inta uu Muqdisho ku sugan yahay la kulmi doona Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Ciidanka Danab oo hore uga tirsanaan jiray Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka mushaar qaadanayay dowladda Federaalka, kaddib markii khilaaf soo kala dhexgalay Gen. Jimcaale iyo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
PUNTLAND POST