
Beelaha Cabdalle Surre (Dir) iyo Looboge (Shiikhaal) ayaa shalay magaalada Gaalkacyo ku gaaray heshiis hordhac ah oo ay wada saxiixeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka labada beelood, kaas oo dhigaya in la qaato nabad aan shuruud ku xirnayn, isla markaana la hirgeliyo xabbad-joojin socon doonta muddo saddex bilood ah.
Heshiiskan ayaa gogol-xaar u ah furitaanka wada-xaajoodyo rasmi ah oo lagu wado inay ka qabsoomaan magaalada Gaalkacyo, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ay sii wadi doonto doorkeeda hoggaamineed ee ku aaddan xaqiijinta nabad waarta iyo xasilloonida gobolka Mudug.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa maalmahan wadday dadaallo isdaba joog ah oo la xiriira nabadeynta beelaha Cabdalle Surre (Dir) iyo Looboge (Shiikhaal), kuwaas oo horey ay wasaaraddu ula kulantay si gooni-gooni ah 23 iyo 27 Abriil 2026.
Kulamadaas la-tashiga ah, oo ay beeluhu isku arkeen, ayaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda soo jiitamaysay tan iyo 2023, taas oo marar badan soo noqnoqotay isla markaana sababtay khasaare naf iyo maalba leh.
Wasaaradda ayaa labada dhinac kala shaqeysay sidii loo abuuri lahaa jawi wadahadal iyo is-afgarad lagu gaari karo nabad waarta.
Intii ay socdeen kulamadaas, waxgaradka, cuqaasha iyo culumaa’udiinka labada beelood ayaa muujiyay diyaar-garow dhab ah oo ku aaddan nabadaynta, iyagoo aqbalay doorka dowladda iyo muhiimadda ay leedahay in laga fogaado wax kasta oo hurin kara colaadda.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ballan qaaday inay door firfircoon ka qaadan doonaan dib-u-heshiisiinta, isla markaana la xakameeyo hadallada xanafta leh ee caqabadda ku noqon kara geeddi-socodka nabadda.
PUNTLAND POST