Madaxweyne Deni oo tagay Badhan, lana kulmay suldaan Siciid

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta safar ku tagay degmada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa booqasho ugu tegay suldaan Siciid suldaan Cabdisalaam suldaan Maxamuud Cali Shire.

Wafdiga Madaxweyne Deni waxaa qeyb ka ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Baari Shire, xubno ka mid ah goleyaasha dowladda iyo saraakiisha ciidanka kala duwan ee Puntland.

Sidoo kale madaxweyne Deni wuxuu xarig ka jar iyo dhagax dhigid ku sameeyay xarumo dowladeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin taliska qaybta booliska gobalka Sanaag oo la dhisay iyo xarunta Bankiga dowladda ee degmada Badhan oo la dhagax dhigay.

PUNTLAND POST