Burcad-badeed markab ku qabsaday xeebaha gobolka Mudug ee Puntland

Koox burcad-badeed ah ayaa markab nooca xamuulka ah oo ku gooshayay calanka dalka Panama ku afduubtay xeebaha gobolka Mudug ee Puntland.

Markabkan waxaa la sheegay in uu socday wadanka Mozambique ee ku yaala koonfurta Afrika, waxaana saaran 16 shaqaale oo aan weli la xaqiijin dalalka ay u kala dhasheen.

Kooxda burcad-badeeda ah ayaa wax ka yar 24 saac ka hor inta aysan qabsan markabka ka baxay deegaanka Dhinowda ee gobolka Mudug.

War markabkii labaad oo kooxaha burcad-badeeda ah ay muddo todoba berri gudahood ah ku qabsadaan xeebaha Puntland. 22-kii bishan waxaa koox hubaysan ay markab laga leeyahay Pakistan oo la sheegay in uu urarnaa ganacsato Soomaaliyeed ku qabsadeen degmada Banderbayla.

PUNTLAND POST