
Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si kulul u dhaliilay hoggaaminta madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo tilmaamay in dowladdu ku guuldarreysatay in ay wax ka qabato caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee dalka.
Sanbaloolshe oo wareysi siiyay barnaamijka Geed Fadhi ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh laga filayay in uu saxo khaladaadka siyaasadeed iyo amni ee ka jira xukunkiisa, balse taas aysan dhicin.
“Waxba lama saxin, guud ahaan dalka wax horumar ah kama muuqdo” ayuu yiri Sanbaloolshe, isagoo sidoo kale tilmaamay in ay jiraan madaxweynayaal dowlad goboleed oo sharci-darro ah.
Wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh qaadan la’yahay go’aan cad oo ku saabsan sidii maamulada ku jooga sharci darrada loo dhisi lahaa, taasina muujinayso hoggaan la’aan iyo go’aan gaabis.
Sanbaloolshe ayaa tilmaamay in amniga dalka uu yahay mid isku xiran, “Haddii Hiiraan nabad haysan, Muqdisho nabad ma noqon karto” ayuu yiri, isagoo carrabka ku adkeeyay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay leeyihiin qiime siman meel kasta oo ay joogaan.
PUNTLAND POST