Madaxweynaha Nigeria oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Soomaaliya

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria Maxamed Cismaan Maxamed ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Ahmed Tinubu, oo ka guddoomay xaflad rasmi ah.

Madaxweynaha Nigeria ayaa si diirran u soo dhoweeyay danjiraha cusub ee Soomaaliya, isaga oo muujiyay sida ay dowladda Nigeria uga go’an tahay xoojinta iyo horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada mudnaanta leh sida ganacsiga, amniga, horumarka, iyo is-dhaafsiga dhaqanka.

Danjire Maxamed Cismaan ayaa dhankiisa uga mahadceliyay madaxweynaha Nigeria soo dhoweynta diirran, isaga oo caddeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal, isla markaana ka shaqeyn doona kobcinta iskaashi miro-dhal ah oo dan u ah labada shacab, Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nigeria ayaa mar kale adkaynaysa sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta xiriirrada caalamiga ah ee ku dhisan ixtiraam is-dhaafsi ah, iskaashi wax-ku-ool ah, iyo dan-wadaag.

PUNTLAND POST