
Koox burcad-badeed ah ayaa saacadihii la soo dhaafay xeebaha degmada Banderbayla ee Puntland ku qabsaday markab la sheegay in uu u rarnaa dekedda Garacad.
Markabka oo laga leeyahay dalka Pakistan ayaa sida shidaal, waxaana saaran 11 shaqaale ah oo u kala dhashay dalalka Hindiya iyo Pakistan.
Markabkan waxaa markii la afduubtay uu marayay meel qiyaastii 30 mile u jirta degmada Banderbayla, waxaana hadda lagu haystaa deegaanka Dharinbaar oo ka tirsan degmadaas.
Kooxda Burcad-badeeda ah ayaa wajahaya cadaadisyo kala duwan oo uga imanaya dadka deegaanka iyo dowladda, waxaana jira warar sheegaya in ay dhici karta in ay ka dagaan markabka oo u raran ganacsato Soomaaliyeed.
Afduubkan wuxuu yimid, xilli bishii hore ee Maarso ay koox burcad-badeed ah lacag madax-furasho ah ka qaateen markab kalluumeysi oo ay ku heysteen degmada Banderbayla.
PUNTLAND POST