
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa cambaaraysay afduubka loo gaystay Dr. Faarax Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa dhakhaatiirta hay’adda MSF ee ka howlgasha Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo, kaas maalintii labaad ku jira gacanta kooxdii afduubatay.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa lagu sheegay in Dr. Faarax Cabdi Maxamed ahaa xirfadle caafimaad oo muddo dheer u adeegayay bulshada, islamarkaana falka lagula kacay yahay mid ka baxsan bini’aadantinimada iyo anshaxa bulshada Soomaaliyeed.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxay ugu baaqday maamulka gobolka Mudug iyo hay’adaha amniga in ay si degdeg ah u qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo siidaynta dhakhtarka.

PUNTLAND POST